|
Bismillaahi
Al Raxmaani Al Raxiim.
Taariikhda
Sheikh Suufi
(
Sheekh Cbduraxmaan Bin Sheikh Cabdalla )
(Al
Muqdishiyi, Al Soomaaliyi, oo loo yaqaan Sheikh Suufi )
Mahad
Ilaahaa leh, Ilaahey-gii kheyr- kiisa siiyo oo doono ee adoomadiisa ka mid ah.
Ilaahey
wuxuu sharci-yeeyey Axkaam, taasoo maslaxo u ah waxa oo uumey oo dhan,
Naxariis iyo Nabad-gelyo ha ahaato Siyidkeeni Maxamed korkiisa.
Haddaba,
Ilaahey wuxuu noo soo direy Sayid-keyna Maxamed ahaa, naxriis korkiisa ha
ahaato, uuna soo dhiibey Risaalo oo caam ah, ee ah Risaaladii ugu dambeysay
Risaalooyinkii Ilaahey.
Waxa
xaqiiqo ah Nabigeena bacdigiisi iney jiraano jameeco oo ka mid ah asxaabtiisi
iney ku dadaaleen xoojinta Risaaladaasi, kana soo saarey Axkaam kala duwan iyo
mas-alooyin, ayagoo ku dadaalaayo iney caddeeyaan dalaa-ilka Axkaamtaas,
saldhigna ugu dhigaayo Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeenna, Salla Laahu
Caleyhi wa Sallam,(SCW)
CULUMADII
DHAXASHEY NABIGEENI (SCW)
Waxa
soo baxay Imaam-yaalo oo badan eena suu-suuban, waxaana ka mid ah afarta Imaam
oo caamka ah, oo kala ah:
Nucmaan
Ibnu Thaabit Abu Xaniifa,( Mad-habka Xanafi)
Maalik
Binu Anis(Imaamul Hijra) ( Mad-habka Maaliki)
Maxamed
Binu Idris Al-Shaafici, (Mad-habka Shaafici)
Axmed
Ibnu Xambal Al-Sheybaani,(Mad-habka Xambali)
Afartaas
Imaam iyo Culumadii la mid ahayd waa Culumadii loo yaqiiney culumaa-u
Al-Salaf, Raxmadii Ilaahey korkooda ahaato.
Anaga,
hadaan nahay Ummadda Soomaaliyeed, Aa-imadii hore u jirey iyo kuwa hadda
joogaba, aragti-dooda waxey noqotey iney ku deydaan ayna raacaan Imaamka
mash-huurka ah Imaam Al-Shaaficiyi, raxmadiisa Ilaahey korkiisa ha ahaato,
taasina ma aha aqoon-daro, iyo tixgelin la-aan
Aa-imadaasi
waxey tixgeliyeen kuna dadaaleen iney ummadda Soomaaliyeed, ay ku mideeyaan
hal Itti-jaah oo aan khilaaf leheen, kuna saleysan Kitaabka Ilaahey iyo
Sunnada Nabigeena ( SCW) waana ku guuleesteen, Ilaahey ha uga jaaseeyo xagga
Axkaamta Diinta iyo xagga Muslimiinta oo dhan.
Kuwaasi
waa Aa-imadii Soomaaliya u dhashey ee hore, wixi ku saabsan oo Axkaam ah
waxba ma ay ka tegin, waa caddeeyeen, waana gaarsiiyeen Ummadda Islaamka,
ayago ka baahi tiraayo Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeena, (SCW) Ilaahey
ha uga jaaseeyo xagga Axkaamta Diintooda iyo xagga Muslimiinta oo dhan.
Culumadaasi
Soomaaliyeed ee ku midoobey Mad-habta Al- Shaafici, dadweynaha
Soomaaliyeedna ku ilaaliyeen inaan la kala jiid-jiidan, taaso Soomaaliya oo
dhan iyo agaaar-keeda ay gaartey.
Marka
raggi u hurey naftooda iyo aqoontooda, caamigana ku ilaaliyey Diinta
Islaamka ee Xaniifka ah, waa culumadaas aqoonta durugsan leh aan ceebta
leheen.
Fidinta
iyo xoojinta Diinta Islaamka, culumadaasi Soomaaliyeed waxey ka qaateen qeyb
weyn oo lama illaawaan ah, culumada adduun-wenaha Islaamkana ay u
aqoonsan-yihiin.
Taasina
waxa caddeyneysa iney culumo badan oo cilmi doon ah iney yimaadeen Soomaaliya,
ayna cilmi ka qaateen culumada ay ka mid yihiin,
iyo
adiib-kii weynaa, Sheikh Xarameyn Xaaji Yuusuf Sheikh Abaale Al-Shaashiyi,loo
yaqaan Bad-jeexe eena ah Sheikh Suufi Abkow-giisa, iyo Sheikh Amiin Sadiiq,
eena ah Sheikh Suufi Abkow-giisa, Sheikh Moxamed Faqay Cali eena ah Sheikh
Suufi Abkow-giisa,
Saaxibul
Qubaah wal Manaara,
Sheikh
Maxamed Al-Neysaanbuuri iyo Sheikh Abuu Faraj Al-Dabi, iyo Sheikh
Cabdul-jabaar iyo Sheikh Ibrahim Rashiid, iyo Sheikh
Cabdul-Manaan, iyo Sheikh Cusmaan Faqey Cumar( Aw-Gandarshe)
Iyo
Sheikh Waliyow Cadde, iyo Sheikh Xaaji Baa-Xassan
Al-Zubeyri,
iyo Sheikh Xaaji Nuur Xaaji Siddiiq, iyo Sheikh Cabduraxmaan Al-Zeylaci,
iyo Sheikh Muumin Cabdalla, iyo Sheikh Muxidiin Macalin
Mukkaram, iyo Sheikh Sacad Daa’uud (Loo Boge) iyo Sheikh
Abiibakar Mixthaar, iyoSheikh Aweys Al-Qaadiriya, iyo Sheikh
Aw-Cusmaan Marka-yaale, iyo Sheikh Cali Maye, iyo Sheikh Axmed
Xaaji, iyo Sheikh Qaasim Al-Baraawi, iyo kuwo kale oo badan oo
aan soo koobi Karin, kuwaasi uu ka mis ayahay Sheikh suufi.
Haddaba,
waxa dhacday in itti-jahaas mideysan oo khilaaf la-aanta ahaa lagu sameeyey
wax dhalinaayo iska hor imaad, dadweynaha caamiga ahna la tusiyey culumada
suu-suuban, oo dalkeena ku xoojiyey diinteana Raxmadii Ilaahey korkooda ha
ahaatee, iney heysatey aqoondaro, taasina ineysan jirin waxana markhaati ka ah
in Soomaaliya oo dhan 100% iney wada Muslimiin yihiin.
Taariikhda
haddi dib aan u fiirinana Soomaaliya waxa soo marey Isticmaaryo badan oo
dabada ku sitey fasahaad iyo fal-xumo kana mid ah fidinta siinahoodi,
kulli-goodna wey ku fashileen, sababta oo ah waxa dadaaley kana hortagey
Culumadaasi kore,
Ka
hortagaasi waxey ku suurtagashey ayado Culumadaasi oo u iftiini-neyso
Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeena (SCW) qaadanaayana Itti-jaaha Imaamu
Al-Shaafici, taasina waxey dhalisey in Soomaaliya in muddo ah aan ka jirin
wax khilaaf ah.
Haddaba,
waxa haboon, in Ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo Culumadeedaba iney ku
xisaantamaan Manhajkaas dhowrigiisa, sidii ummadda khilaaf iyo iska hor imaad
diineed looga ilaalin-lahaa, waayo dadka waxey u badan-yihiin caami oo
aqoontooda xagga diinta aad u hooseysa, waxeyna u baahanyihiin culumo is
waafaqsan oo ay ku daydaan ayna raacaan.
Soomaaliya
waxa jiri-jiray deegaano ku saleysan qabiil, qabiil-kastana wuxu lahaa
mashaa-yiiq, cawaantana ku ilaaliso ku dhaqanka shareecada Islaamka, taasina
waxey keentay in culumada is waafaq-sanaayeen, hal itti-jaahna lahaayeen, kuna
guuleestay iney hor-istaagaan
Culumadaasi
oo Suu-Suuban, Raxmadii Ilaahey korkooda ha ahaato, waxa ka mid ahaa
Addiib-kii weynaa ee
Al
Muqdishiyi Al Soomaaliyi,
Oo
loo Sheikh suufi, naxriista Ilaahey korkiisa ha ahaato.
Sheikh
Suufi,
Bishaaro
lagu tilmaamey dhalasha Sheikh Suufi,
Sheikh
Suufi, oo loo yaqaan Sheikh-ul-Banaadir, anagoo ka soo qaadaney
taariikh-diisi Culumada duuriyadiisa ah oo ka mid ah Sheikh Maxamed Axmed
Sheikh Maxamud
Al
Muqdishiyi, Al Soomaaliyi, oo loo yaqaan Sheikh Abba,
Taariikh-daasi
haddii aan soo koobno waxa ku cad in:
Sheikh
Suufi, dhalashadiisa ka hor, waxa Ishaaro iyo Bishaaro
Ku
caddeeyey inu dhalandoono Culumo badan oo ah
Awliyaa-u-Laahi,
waxaa ka mid ah
Sheikh
Muumin bin Cabdalla, Sheikh Amiin Sadiiq bin Faqi Caalim bin Faqi Maxamed bin
Sheikh Abaale.
Sheikh
Suufi iyo Sheikh Amiin Sadiiq, waxey isaga soo dhacaan abtirsiga Sheikh
Abaale.
Sheikh
Amiin Sadiiq, waa Abkow-ga Sheikh Suufi, xagga hooyada, waayo Sheikh
Suufi, aabahiisa hooyadii dhashey waa Maana Macalin Abiikar Cusmaan
Amiin Sadiiq.
Islamar-kaas,
Seikh Suufi Abkiisa, Sheikh Cabdalla Imaanka,
Hooyadii
dhashay waa Faatma binta Abiibakar bin Cusmaan bin Amiin Sadiiq.
Sheikh
Maxamed Faqey Cali, oo ah abkowgii
Sheikh
Maxamed Faqey Yusuf, iyo Sheikh Suufi, waxey isaga soo dhacaan
abtirsiga bin Xarameyn.
Intaasi
Culumo aan soo sheegney waxey caddeeyeen ayna bishaareeyeen inu reerkaas u
dhalandoono wiil Mubaarak ah eena ah Wali min Awliyaa-Allaah, taasina
mahad Ilaaha leh waa rumowdey bishaara-doodi.
Ilaaheyga
Raxiimka ahaa, waa ka ajiibey docadaasi.
BISHAARADA
WAXA KA MID AH DUCADII
ADIIB-KII
WEYNAA EE SHEIKH CUMAR XAAJI
Sheikh
Suufi, iyo reerka oo ka dhashey ee Shaanshiyo,waxa u duceeyey
Ilaaheyna aqbaley Sheikhii, weynaa oo adiibka ahaa ee Sheikh Cumar
Xaaji.
Sheikh
Cumar, wuxuu ku duugan-yahay Masjidka la deriska ah Masjidka kale ee
AL-MUKHTAAR, oo loo yaqaan Mataanayaha ee Xamar-weyne.
Sheikh
Cumar, durriyadii Sheikha, caanka ahaa ee
Mash-huurka
ku ahaa karaamo iyo burhaan sugan ee ah Sheikh Xaaji Baa-Xassan, oo ku
duugan Jasiira, agagaarka magaalada Xamar.
Sheikh
Cumar, wuxuu ahaa Adiib weyn, wuxuuna Mudaris u ahaa Culimadii Xamar
joogtay zamankaasi, wuxuuna u akhrin-jirey Tafsiir, Culumadaas ee Banaadir
waxa ka mid ahaa
Sheikh
Suufi, Abkow-giisa Cabdalla Imaanka.
Maalin
waxa jirey in Sheikh Cumar, Tafsiirka u dhamaadey, ka dibna, Xirtiisa
wuxu ku yiri:
Yaa
keenaayo qurbaanka khatimka Tafsiirka?
Su’aa-shaas
wuxu u jeediyey talaamiidiisa oo u badneed
Reer
Shaanshiyo.Markaas waa la wada aamusey, maadaama zamanlkaas dhibaatooyin
jirtey, ayna ku qasbanaayeen iney iska aamusaan.
Sheikh
Suufi, Abkow-giisa Cabdalla Imaanka, si ayaar ah ayuu dib u noqdey,
si lama fillaan ahna wuxu Sheikh Cumar, ugu keeney qurbaankii lagu
qatimi lahaa Tafsiirka oona ah dibi aad u weyn, Sheikh Cumar, aad ayuu
ugu farxay, markaas ayuu doceeyey, wuxuuna ku doceeyey inuusan ka go’in cilmiga
Diinta duriya-diisa iyo Reer Shaanshiyo oo dhan intii qiyaamo laga gaaro.
Taariikhdan
kooban ee Sheikh Suufi, waxaa soo ururiyeen soona diyaariyey
Carabiga, idiinkuna fasirey Af-Somali.
Axamed
Xaaji ABUKAR ( Xaaji Calwaan )
Maxamed
Abukar Xaaji.
Nuur
Sharif NUUR.
Maxamed
Xaaji CABDOW.
Culumada
sharafta leh ee Bahweynta Banaadir,
Aad
ayey ugu mahad-sanyihiin sida sharafta leh ay iigu fasaxeen inaan u bandhigo
akhrista-yaasha dhan, ayagoo ka raali ah.
Bal
aan in yar idiinku kordhiyo.
Shaafici
Wuxuu
soo if-baxay, (767-820) abaabulay Maxamed Binu Idris
Al-Shaafici,
siday u tilmaameen Culumada sharfta leh oo ka hadlay taariikhdii Sheikh
Suufi,
Al-Shaafici,
wuxuu
ka dhashay qabiilka Qureysh, ahna qabiilka Nabigeena(SCW) Mad-habka
Shaafici, waxay dib u laabashada Qur’aanka iyo Dhaqankii
Nabigeena (SCW) ay dhaqankaa fiiro gaar ah siiyaan, haddaan ka hadlo Al-Shaafici,
ruuxiisa wuxuu raad raaci jiray Mah-dabka,Imaam Malik,
Shaafici-ga,
markaan eegno waxay isu dhow-yihiin Mah-dabka Maaliki, qaas ahaan xagga
nidaamka intaana waxay ku wacneed wax barashadii Al-Shaafici, ahaa tii
Maaliki-ga, Imaam Malik, iskuulkiisa ahaan iskuulka ugu weynaa caana ahaa la
furay ( 873-935) waqtigaa ayuu ku beegnaa waxaana la oran jiray Kalam, waxaa
iskuulkaa ama madras-kaa ka bixi jiray Adii-biinta ugu waaweyn.
WADAMADA
KU DHAQMO SHAAFICI.
Waa.Masar,
Suriya, Xeebaha loo yaqaan Badda-Cas, Filipin, Taylanda,
viyet-nam, Malesiya, Indonesiya iyo Somaliya.
Markan
dib u raad raaco Culumada Bahweynta Banaadir, waxay u qeubsamaan sidatan, Rifa’ciya,
Saalixiya, Raxmaniya,
Suufi,
Qaadiriya, Axmadiya, Tariqi, Faatimiya, Faatimi, waxaa u gaar ah Haweenka,
Nabigeena(SCW) Amaana ayna ku raaciyaan Amaanka Nabi-ga(scw) Xayaad-ka,
Marna
yaan la illoobin siduu Kutaab-keyna Kariimka, sheego waa sidatan, dal oo
dowlad leh oona dowladaa uu ku dhawaaqay dowlad Islaami ah, ka dibna u sheeg
ummadda oo dhan in wadankaa lagu dhaqi doono sharci-ga Diin-ta Islaamka ka dib
ayaad furan maxkamad Islaami ah,
Meelaan
dowlad ka jirin waa sida meel dooro ka yeertay waa duur, marka marna yaan loo
moodin in Somaliya, uu yahay duur, dad iyo Diin, ayaa ka dambeeya iyo Culumo,
naftooda u hurtay Sunnada Nabigeena(scw) iyo Mad-habka Shaafici-ga.
Waxay
doonaan inay af-kooda ku denshaan Nuur-kii Allah,
Laakiin
Nuur-kii Allah, ayeyna ku dhamaan-doontaa dhibka ay doonaayeen kuwa
waxba aqoonsan(Qur’aan 61/8)
Culuma-da
BB, waxaa lagala soo xiriiri karaa mailkeyga,
Wahabi
ma’ihi Cabasit ayaan ahay.
Adeeg-ta
Culumada BB.
Qamar
SHARIF HASHIM
|